Waa noocma raasumaalka sayniska ee Finland? – Bal aaynu soo xaqiijinno!

Raasumaalka sayniska waa wadarta fahamka sayniska: waxa uu qofku baniaadamka ahi uu ka yaqaanno cilmiga, waxa uu xagga dhanka cilmiga ka fikiro, dadka uu ka garanayo ee xirfadlayaasha sayniska ah iyo sida uu ugu dhaqmayo iftiinkaasi xagga nolol maalmeedkiisa. Aasaaska raasumaalka sayniska waxa laga dhisaa iskuullada iyo waxbarashada, laakiin cimrigaaga oo dhan waxbarashadaada waxeey ku korodhaa hadba inta aay la’eg tahay shabakadahaaga bulshada.

FINSCI waa mashruuc cilmi baaris, oo doonaya in lagu barbaariyo aqoonta raasumaalka sayniska ee dadka finnishka ahi, si qof walba uu u helo fursado wanaagsan uu ku fahmi karo ifafaallooyinka sida isbeddelka cimilada iyo xaaladaha la midka ah. Markaad kala aqoonsan kartid macluumaadka saxda ah iyo kan qaldan, waxaad awood u yeelaneeysaa in aad go’aan macluumaad ku saleeysan gaari kartid, oo aadan ku kadsoomin, ku kala qeybsanaanta iyo is daba marinta fikradaha. Raasumaal cilmiyeedka la wada leeyahay waxuu horumariyaa ka mira dhalinta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada.

Kuwama ayeeynu nahay?

FINSCI waxeey gacansaar la leedahay jaamacadaha Turku, Helsinki iyo tan bariga Finland, xaruunta sayniska ee Heureka iyo Skope ry. Jaamacaduhu waxeey cilmibaaris ku sameeyeen, sida macluumaadka iyo dareennada aay u saameeyaan go’aan gaarista  loo kordhin karo. Heureka waxeey si wadajir ah la maskax maashaa dadweeynaha caadiga ah ee dhageeystayaasha ah ee qaababka cusub uga soo qeybgala. Skope ry waxuu abaabulaa munaasabado saynis iyo dhacdooyin dadweeyne. Mashruuca waxaa maalgeliya golaha cilmibaarista istiraatiijiga ah ee ka howlgala Akedeemiyada Finland.

Kaalay oo ku soo biir!

Waxaanku soo aruurineeynaa hal bog dhammaan macluumaadyadacilmibaaristayada iyo dhacdooyinkayaga. Cilmibaarista FINSCI waxaalagu turjumayaa luqado kala duwan hadba sida suurtagalka ah. Luqaddaugu weyn ee dhacdooyinkayaga badanaa lagu soo bandhigi doono waafinnish. Isla bogga waxaad sidoo kale ka heli doontaa macluumaadyo kusaabsan mashaariicyada kale cilmibaarista Finland, kuwaas oo doonayaka qeybgalayaal.
FINSCIcilmibaariyada iyo dhacdooyinka (oo af finnish ah)